Wefdi uu hoggaaminayo Taliye-ku-xigeenka Sirdoonka Turkiga oo maanta lagu wadaa inuu soo gaaro Muqdisho
Muqdisho – Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu soo gaaro wefdi heer sare ah oo ka socda Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga, kaas oo uu hoggaaminayo Taliye-ku-xigeenka hay’addaasi. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in socdaalka wafdigan uu la xiriiro dadaallo ay Dowladda Turkiga ku doonayso inay ku taageerto geeddi-socodka wada-hadallada iyo is-afgaradka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka. Wararka ayaa intaas ku daraya in wafdigu kulamo la yeelan doono madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ay khusayso arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta wadashaqeynta labada dal iyo dhiirrigelinta xalal ku dhisan wada-hadal iyo isfaham s
Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyay door muuqda ku lahaa taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, horumarinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha.

