23.1 C
New York

Wax ka ogow taariikhda fannaanadda Luul Jaylaani oo Maraykanka ku geeriyootay

Published:

[ad_1]

, 2024-12-31 10:19:49 ,

Youtube

Qoraalka sawirka, Fannaanad Luul Jaylaani oo Maraykanka ku geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ku geeriyootay Luul Jaylaani Cali oo ahayd fannaanad iyo jilaa aad looga dhex yaqaannay bahda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Luul ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanayd iyadoona maalmihii u danbeeyay xaaladdeeda caafimaad ay sii darsatay taas oo markii danbe ay u geeriyootay.

Fannaanadda waxa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho iyadoona fanka ku soo biirtay dabayaaqadii lixdameeyadii, waxa ay ka tirsanayd hobolladii qaranka ee Waabari, iyadoona sanadihii dambe ku nooleyd dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Mareykanka.

Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah.

[ad_2]

Related articles

Recent articles

spot_img