25.1 C
New York

Wasiirkii gaashaandhigga Jabuuti oo Faransiiska ku geeriyoodey.

Published:

Jabuuti Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Mudday Xukuumadda

Xukuumadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyoodey Wasiirkii Gaashaandhigga Dowladda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, oo muddooyinkaan xaalad caafimaad ugu sugnaa Magaalada Paris ee carriga Faransiiska.

Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga hayay tan iyo sanadkii 2019, isagoo door muhiim ah ka soo qaatay hoggaaminta iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Jabuuti.

Waxa uu sidoo kale mar kale loo magacaabay isla xilkaas markii la dhisay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sanadkan 2026.

Intii uu xilka hayay, Burhaan waxa uu ka shaqeeyay xoojinta awoodda ciidamada dalka, sare u qaadidda iskaashiga amniga ee Jabuuti la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka, iyo horumarinta hay’adaha difaaca ee dowladda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Jabuuti.

Wararka.so — your trusted source for global news.

Related articles

Recent articles

spot_img