Waxaa magaalada Washington DC ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, Axmed Mucallim Fiqi. Wasiirka oo kulamo ku leh magaalada Washington DC ayaa nagu soo booqday xarunta VOA. Wareysi dheer oo aan wasiirka la yeelanay ayaa qeybtan lagu weydiiyey wararka sheegaya in dawladdu ay ra’iisal wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble u diidday warqad uu uga baahnaa si uu ugu safro dalka Koonfur Afrika iyo guud ahaan culeysyada ay sheeganayaan mucaaradka dawladdu.
