Nairobi —
Magaalada Nairobi waxaa shalay ka furmay shirweynaha Bankiga Horumarinta Qaaradda Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaal ka socda qaraadda Afrika iyo hoggaamiyayaal kale oo caalamka ah.Madaxda shirkaasi joogta waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirro ka tirsan dawladda federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.Khadka telefoonka ee magaalada Nayroobi ayuu wasiirku xalay ugu warramay Haaruun Macruuf.
