More

    Wareysi: Hindise ay kasoo shaqeysay Soomaaliya oo lagu meel mariyey Shirka Caafmaadka Adduunka

    Published on:


    Geneva — 
    Shirweynaha Caafimaadka Adduunka ee ka socda magaalada Geneva, Switzerland ayaa ansixiyey qaraar ay kasoo shaqaysay dawladda Soomaaliya oo ay sidoo kale iskaashi kala samaysay in ka badan 20 dawladood oo ugu baaqaya waddamada caalamka inay siweyn dhimaan dhimashada hooyada iyo dhallaanka.
    Caalamka waxaa sannakdii ku dhinta 287,000 oo haween ah xilliga ay uurka leeyihiin ama xilliga dhalmada, halka ay dhintaan 4 milyan iyo 900 kun oo dhallaan ah oo da’oodu ka yartahay shan sano sannadkii.
    Soomaaliya ayaa kunkii canug ee da’doodu ka yartahay 5 sano waxaa sannakdii ka dhimata 106 ilmo, halka dhimashada hooyada Soomaaliya ay tahay boqolkii kun ee hooyo ee uur qaadda ama xilliga dhalmada ay Soomaaliya sannadkii ku dhintaan 621 hooyo. Qaraarkan ayaa Soomaaliya rajaynaysaa inuu hoos u dhigo dhimashada hooyada iyo dhallaanka.
    Haddaba faahfaahinta qaraarkan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dawladda federaalka Dr Cali Xaaji Aadan oo ku sugan Geneva.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here