25.1 C
New York

Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG: Dagaalka ka Dhanka ah Al-Shabaab

Published:

Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa soo saartay warbixin cilmibaariseed oo faahfaahinaysa xaaladihii u danbeeyay ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab (AS). Warqaddan oo ciwaankeedu yahay “New Chapter, Same Stalemate: Somalia’s War with Al-Shabaab” ayaa soo baxday 30kii Juun 2026. Nuxurka warbixintan ayaa si xeeldheer u falanqaynaysa in dagaalku uu marayo marxalad ismariwaa ah, iyadoo la tilmaamay in guulihii ay dawladdu gaartay sannadihii 2022-2023 ay inta badan hoos u dhaceen ka dib markii kooxdu ay dib u qabsatay inta badan degaannadii laga saaray. Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday caqabadaha horyaalla dawladda oo ay ugu horreeyaan dhismaha cii

Wararka Soomaaliya

Warbixinta ICG waxay si guud u sheegaysaa in dagaalka u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo kooxda argaggaxisada ah ee AS uu ku jiro marxalad ismariwaa ah, iyada oo xaaladdu tahay mid isbedbeddelaysa oo aan lahayn natiijo militari oo kamadanbays ah. Inkastoo dawladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay duullaankii 2022-2023, markaas oo ay kaashatay ciidankii degaanka ee Macawisley, haddana guulahaas ayaa noqday kuwo aan waarin.

Markii la gaaray sannadkii 2025, kooxda waxay awoodday inay dib ula wareegto inta badan dhulalkii laga qabsaday, taas oo muujinaysa in dadaallada dawladda ay u baahnayd qorshe dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo guulahaas iyo ciidan awood u leh inay degaannadaas si joogto ah gacanta ugu hayaan.

Dagaalku wuxuu hadda u muuqdaa mid gacmadaalis ah, iyada oo uu dhinac walba isku dayayo inuu gaaro guul degdeg ah, balse aysan suurtogelin in midkood uu si rasmi ah uga adkaado kan kale. Dawladda ayaa hadda u muuqata inay beddeshay xeeladdeeda, iyadoo diiradda saaraysa sugidda amniga agagaarka Muqdisho iyo goobaha muhiimka ah, halkii ay ka wadi lahayd duullaankii ballaarnaa ee ay horay u qaadday. Isbeddelkan ayaa yimid ka dib markii ay soo ifbaxeen caqabado ay kamid yihiin daalka ciidanka, dhiba

Faahfaahinta

Isbeddellada Xeeladeed ee Al-Shabaab

Marka laga hadlayo dhanka kooxda, warbixintu waxay xustay in ay ku tallaabsatay isbeddello xeeladeed oo u suurageliyay inay xoojiso joogitaankooda ka dib markii ay soo gaareen khasaarooyin badan sannadihii 2022-2023. Kooxdu waxay beddeshay hoggaankooda sare, iyadoo bishii Nofeenbar 2022 u magacowday Yuusuf Sheekh Ciise (Kabakutukade) inuu noqdo guddoomiyaha Shabeellada Dhexe, si uu uga faa’iidaysto xiriirka uu la leeyahay beesha Abgaal. Sidoo kale, kahor intaysan billaabin duullaankii 2025, waxa

Dhinaca kale, Al-Shabaab waxay bilowday inay si dadban u maamusho degaannada, iyadoo yaraysay cadaadiskii xaddhaafka ahaa ee hore loogu yaqiinay, si ay u kasbato kalsoonida shacabka. Argaggaxisadu waxay farriin u dirtay qabaa’ilka iyo maleeshiyaadka inay ka waantoobaan la shaqaynta dawladda, iyadoo u ballanqaaday inaysan aargoosi ku samayn doonin. Xaqiiqdii, markii ay dib u qabsadeen degaannada qaarkood, ma aysan gaysan tacadiyadii laga cabsi qabay, waxaana la arkay inay ilaalinaayeen kaabayaash

Saamaynta

Ugu danbayntii, aragtida dhab-ku-aroorka (pragmatism theory) iyo maxaa hadda noo shaqaynaya ayaa si cad kooxda uga muuqday, halka waagii hore mabaadi’ sheegan jireen. Kooxda ayaa sidoo kale xoogga saartay dhanka dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Hortaan 2025kii, kooxdu si lamafilaan ah ayay u qaadday go’doonkii ay muddo toban sano ah saareen gobollada Bay iyo Bakool, ka dib markii ay ganacsatadu ku qanciyeen inay ka faa’iidi karaan canshuurta badeecadaha halkii ay ka reebi lahaayeen ganacsiga. Dhanka gargaarka, waxay u oggolaadeen hay’adaha gargaarka inay galaan degaannada ay maamulaan, gaar ahaan ka dib fatahaadihii 2023kii, iyadoo bishii Janaayo 2026 ay xitaa ku dhawaaqeen dhismaha guddi u qaabilsan iskudubbaridka gargaarka. Inkastoo

Caqabadaha Siyaasadeed iyo Milatari ee Dawladda haysto

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img