More

    Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka Beledweyne

    Published on:


    Beledweyne — 
    Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billaawday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos goos ah laga maqlayay hotelka gudihiisa, halkaas oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, ciidamada Jabuuti ee qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo ciidamo Itoobiyaan ah.Haddaba, wararkii ugu dambeeyay ee weerarkan waxaa goor dhow Beledweyne ka soo diray wariyaha VOA, Xuseen Xasan Dhaqane.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here