Wararka hordhaca ah ee laga helayo qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu ka dhashay, iyadoo inta badan askartii saarneyd gaadiidkii la beegsaday ay ku geeriyoodeen goobta.
Wararka Soomaaliya
Sidoo kale, waxaa la soo warinayaa in askar kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca, haddana wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in illaa 8 askari ay ku dhinteen qaraxan.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaan illaa hadda soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya khasaaraha ama duruufaha ku xeeran weerarka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Boosaaso uu ka socdo kulan u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo saraakiil sare oo ka socda Taliska Mareykanka ee AFRICOM. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinaca la dagaallanka argagixisada.
Faahfaahinta
Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadlayaan xaaladda amni ee Puntland, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad iyo doorka iskaashiga caalamiga ah ee howl-galladaas.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa dhawaan hakiyay duqeymihii cirka ee uu ka fulin jiray fariisimaha kooxda Daacish ee Puntland, arrintaas oo ku soo beegantay xilli uu socdo dib-u-eegis lagu sameynayo howl-gallada militari ee gobolka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in qulqulatooyinka dhinaca ciidamada ee ka taagan Puntland ay saameyn ku yeesheen howl-galladii ka dhanka ahaa Daacish. Kooxda ayaa weli ku sugan qaybo ka mid ah buuraha Calmiskaad, halkaas oo muddo bilo ah ay ka socdeen dagaallo iyo duqeymo xiriir ah.
Saamaynta
Maamulka ayaa maalmihii u dambeeyay ciidamo badan ka soo daad-gureeyay furimaha hore ee dagaalka, si ay uga qeyb qaataan munaasabadda xuska sannad-guuradii 28-aad ee aas-aaska Puntland, oo ku beegneyd shalay.
Lama oga in dhaq-dhaqaaqaas uu saameyn ku yeeshay xaaladda amni ee furimaha dagaalka, iyadoo weli la sugayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

