35.6 C
New York

Wararka: Xuutiyiinta Yemen oo ku Hanjabay inay beegsan doonaan Garo…

Published:

Xiisadda u dhexeysa Xuutiyiinta Yemen iyo Sacuudiga ayaa sii xoogeysatay, kaddib markii Xuutiyiintu ku hanjabeen inay beegsan doonaan garoomada diyaaradaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalkaas.

Wararka Soomaaliya

Afhayeenka garabka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ka hortageen waxa uu ku tilmaamay isku day ay diyaarado dagaal oo Sacuudigu leeyahay ku doonayeen inay ka hor istaagaan diyaarad rakaab oo Iiraan leedahay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Sanca.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in diyaaraddaasi ay sidday in ka badan 200 qof oo isugu jiray bukaano, dhaawacyo iyo rakaab ku xanibnaa Yemen.

Kooxda ayaa uga digtay Sacuudiga inuu ku celiyo tallaabooyin noocaas ah, iyagoo sheegay in haddii hawadooda lagu soo xadgudbo ama la beegsado Yemen, ay jawaab ahaan u weerari doonaan garoomada diyaaradaha iyo xarumaha muhiimka ah ee Sacuudiga, dhulka iyo baddaba.

Faahfaahinta

Dhanka kale, isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa si adag uga jawaabay hanjabaaddaas, isagoo sheegay in weerar kasta oo lagu qaado Boqortooyada lagu jawaabi doono si xooggan oo aan hore loo arag.

Isbahaysigu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Xuutiyiinta inay ku xadgudbeen madaxbannaanida Yemen isla markaana ay isku dayayaan inay xaaladda sii huriyaan.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo qalalaase isa soo taraya, iyadoo walaac laga muujinayo in iskahorimaad kasta oo cusub uu sii kordhin karo khatarta amniga gobolka iyo isu socodka hawada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img