Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Puntland ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo lagu wiiqayo nidaamka federaalka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Puntland.
Wararka Soomaaliya
War-murtiyeedka oo ku taariikhaysan 4-da Luulyo 2026 ayaa lagu sheegay in muddo-xileedka Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu dhammaaday sida uu qabo fasiraaddooda dastuurka, isla markaana ay dowladda dhexe ku eedeeyeen inay qaadayso tallaabooyin ka baxsan nidaamka federaalka iyo wadajirka dowlad-goboleedyada.
Xildhibaannadu waxay si gaar ah uga hadleen ciidamada Federaalka ee laga qorayo deegaannada Puntland, iyagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid dhaawac ku ah nidaamka federaalka, isla markaana ay horseedi karto colaado siyaasadeed iyo amni. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweynaha Federaalka inuu hurinayo khilaaf u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay hadallo ay sheegeen inay kasoo yeereen madaxda Dowladda Federaalka oo ka dhan ah madaxda iyo shacabka Puntland. Xildhibaannadu waxay ku baaqeen in la joojiyo waxa ay ku tilmaameen falalka sii hurinaya xiisadda siyaasadeed.
Faahfaahinta
Dhanka kale, xildhibaannadu waxay ugu baaqeen dhammaan bulshada Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah inay si wadajir ah uga hortagaan tallaabo kasta oo ay ku tilmaameen mid lagu burburinayo nidaamka federaalka iyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

