25.9 C
New York

Wararka: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho ka furey shir loog…

Published:

Wasiiru Dowladda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani Jaamac ayaa maanta daah furey shir labo maalmood soconaya oo diiradda lagu saarayo amniga cunada iyo nafaqada dalka, kaas oo ay kasoo qeybgaleen khubaro ka socota hay’adaha Qaramada Midoobay, wasaarado dowladda ka socday iyo mas’uuliyiin matalayay dowlad goboleedyada.

Wararka Soomaaliya

Shirkan ayaa waxaa isku soo aaddiyay Golaha Amniga Cuntada, Nafaqada iyo Isbadelka Cimiladda ee loosoo gaabiyo FSNCC , kaas oo ay xubno ka yihiin wasaarado muhiim ah iyo dowlad goboleedyada, ujeedkana yahay la socodka xaaladda amniga cunada dalka iyo sida ugu habboon ee wax looga qaban lahaa.

Maalmaha uu socdo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dodo, daraasado iyo aragtiyo lagu dul dhisi doono go’aanno dowladeed oo gaari doona heer fulin si wax looga qabto xaaladda nafaqo darada dadka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka, iyada la qaadayo tallaabooyin qorsheysan.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee FAO, UNDP , WFP iyo Concern oo hawlaha gargaarka ku foogan, shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya ganacsiga cuntada iyo waliba hay’adda maaraynta masiibooyinka ayaa shirkan qeyb ka ah, waxa kasoo baxana isha lagu wado hayo, iyada oo natiijada la geyn doono miisaska madaxda dalka ugu saraysa.

Faahfaahinta

Dr Maxamed Cabdi Faarax oo hormuud ka la talinta Hannaanka Cunada, Nafaqada iyo Lead Advisor Food System Nutrition and Climate department OPMah qeybta Nafaqada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalayaasha la hadlay ayaa sheegay in shirka laga rajaynayo wax weyn, tahayna in maskaxda la tuujiyo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img