25.3 C
New York

Wararka: Xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Ceel Dheer uga dhaw…

Published:

Makko Maxamuud Muuse Cadde, oo ku magac dheer Makko Cafiif, ahna xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Asad Cismaan Diyaano, ayaa magaalada Ceel Dheer uga dhawaaqday inay tahay murashax xildhibaan oo u taagan booska deegaan-doorasho ee kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo xubin muhiim ah ka haya xisbiga JSP.

Wararka Soomaaliya

Degmada Ceel Dheer waxaa gaaray wafdi sare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Asad Diyaano. Booqashada Taliye Asad ayaa loo arkay mid ka turjumeysa ololaha iyo dhismaha musharraxnimada xaaskiisa Makko Cafiif, oo kasoo jeedda deegaanada Ceel Dheer, Masaga-Waay iyo Galcad.

Marwo Makko ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan deegaan-doorashada Ceel Dheer, iyadoo sheegtay inay tahay qof aan kala saarin beelweynta degta deegaanadaas.

“Waxba idinkama qarinayo, waxaan ahay murashax xildhibaan. Deegaankan Ceel Dheer ayaan wax ku leeyahay. Beesha Wacaysle ee dhalashadaydu tahay kalama saaro; hebel waaye iyo hebel kalama aqaan,” ayay tiri Marwo Makko Maxamuud Muuse Cadde.

Faahfaahinta

Ujeedada socdaalka uu qeybta ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya, Asad Cismaan Diyaano, ayaa sidoo kale lagu macneeyay inuu qeyb ka ahaa ololaha musharraxnimada marwadiisa, oo kasoo jeedda Ceel Dheer.

Kursiga ay Marwo Makko ku dhawaaqday inay u taagan tahay waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo sidoo kale ah Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha ee xisbiga JPS.

Xildhibaan Maxamed Cajiib ayaa loo doortay kursigan, waxaana siyaasad ahaan loo arkaa inuu aad ugu dhow yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sidoo kale yahay Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Cod-bixinta ee Golaha Shacabka, kaas oo ka mid ah guddiyada muhiimka u ah habsami-u-socodka shaqada iyo nidaamka Baarlamaanka, xilli muddo-xileedkiisa uu sii dhammaanayo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img