25.3 C
New York

Wararka: Weydiimaha Qaddarka iyo Qoraalka (2/2)

Published:

Waraysigani wuxuu qeyb ka ahaa barmaamij caan ah oo la odhan jiray “Nuurun calaa Nuur”, oo ka bixi jiray Telefiishanka Masar intii u dhexaysay sannadihii 1960 illaa 1977-kii. Tani waa qaybtii labaad.

Wararka Soomaaliya

Axmed Faraaj: Ka dib hadalkan xiisaha badan, laba qodob ayaa igu soo dhacay:

Kow: Qayb gaalada ka mid ah, ama kuwa diiday xaqa, ama kuwa aan Ilaahay rumaysnayn; waxa la arkaa mararka qaarkood in lagu kaalmeeyo arrimaha adduunyada, halka aan lagu kaalmaynin qofka muumminka ah ee Alle ka dhawrsada. Waxa dhacda inuu qofka muumminka ahi la kulmo imtixaan aanu la kulmin qofka gaalka ahi. Maxay u dhacdaa taasi? Laba: Haddii ay jiraan qof Alle ka dhawrsada iyo qof aan Alle ka dhawrsani, labadaasi miyay leeyihiin awood ay ku doorteen? Miyay jirtaa xorriyada ikhtiyaarku? Waayo ma

Sheekh Shacraawi: Xorriyadda ikhtiyaarku inay jirto waxa u daliil ah, qofka qasbani ciqaab ma laha. Waa maxay qasbiddu? Waa in lagugu qasbo waxaanad dooran. Mar kasta oo uu qof kugu qabso waxaanad dooran, ciqaabi kama dhalanayso. Qofkii kaa xumeeyay xorriyadii doorashada ayaa ciqaabtii kaala wareegay. Mar kasta ciddii xil ku saartaa, waa inay kuu dammaanad qaaddo ikhtiyaarka. Taas macnaheedu wuxuu yahay, Allihii ku abuuray adiga oo ikhtiyaar leh, waa inaad ku rumayso go’aan adiga kaa soo go’ay.

Faahfaahinta

Weydiinta kale, waxay la xidhiidha arrimaha adduunyada iyo wixii la midka ah. Dhaqan ahaan arrimaha adduunyada waxaynu ognahay inay naftu abuur ahaan ugu heellan tahay Ma arkaysid qof lagu boorrinayo arrimihiisa adduunyada, qof kastaa wuu u heellan yahay adduunyada isaga oo sababeheeda iyo jidkeeda qaadaya. Muummin ha noqdo ama gaal e, qofkii sababeheeda raaca ayaa helaya adduunyada. Balse waxa jirta manaahij hagaysa dhaqdhaqaaqa muumminka ee nolosha.

Alle wuxuu yidhi, “Qofkii doonaya beerta aakhiro, waanu u kordhinaynaa falashadiisa. Qofka doonaya beerta adduunyadana wax baanu ka siinaynaa, aakhirana wax dheef ah kuma laha.”1 Mar kale wuxu yidhi, “Waxaanu u fidinaynaa kuwan iyo kuwaasba deeqda Rabbigaa; deeqda Rabbigaana ma ah mid xayiran.”2

Caalamka sababaha ee arrimaha adduunyadu waa mid u furan noolaha oo dhan. Qofka wax kasta sababtiisa raaca ayaa helaya. Kii shaqadiisa ku xeeldheer ayaa wanaageeda qaadanaya, ama muslin ha ahaado ama gaal e. Hasayeeshee, manhajka Ilaahay ma helayo qofka rumeeyay mooyaane qof kale. Manhajka Ilaahay yuu u gaar yahay? Wuxuu u gaar yahay muumminiinta. Muumminka rumeeya jiritaanka Ilaahay, ee ku kalsoon farista Ilaahay iyo xilka uu saaray, wixii uu amrayna hore ka qaata. Marka uu Alle ajiibana wuxuu

Saamaynta

Si aynu arrintan u sii qeexno, aynu tusaale u soo qaadanno, marka qofka loo soo bandhigimo arrin adduunyadiisa la xidhiidha, oo ka fog waajibaadka cirka. Arday ayaa doonaya inuu barto kulliyadda injineeriyada, xilliganna wuxuu ku jiraa dugsiga hoose/dhexe. Ardaygaasi waa inuu u diyaargaroobo inuu kaalin sare ka galo dugsiga sare, oo ay buundooyinkiisu noqdaan intaas. Markaas haddii aanu haleelin kulliyadda injineeriyadda, mid u dhow ayuu helayaa.

Arday kale haddii uu doonayo inuu ka mid noqdo tobanka ugu sarreeya dugsiga sare, wuxuu u diyaarinayaa naftiisa iyo imtixaankiisa inuu sidaas noqdo. Haddii aanu markaas tobanka ugu sarreeya ka mid noqonnin, waxa laga yaabaa inuu labaatanka ugu sarreeya ka mid noqdo. Waa meel u dhow tobanka ugu sarreeya. Sidaasi maxay u dhacday? Waayo wuxuu gefay waxyaabo qorshaha ka mid ah.

Haddaba, qaddarku muxuu u soo faragelin waayay arrimaha adduunyada. Tusaale ahaan, ma qof baa ka baaqda inuu mushaharkiisa qaato bisha bilawgeeda? Ma jiro, inay qofka duruuf kale ku timaaddo mooyaane. Tusaale kale. Ka soo qaad madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa yidhi waxaan safar u baxayaa afarta subaxnimo, dhammaan wasiirradana waxaan doonayaa inay diyaar noqdaan, oo ay i sagootiyaan. Kuma ayaa baaqsanaya? Qofna. Maxay u baaqsan waayeen? Laakiin haddii lagu yidhaahdo salaaddii subax ayaa la eedaam

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img