Laamaha ammaanka Puntland ayaa saaka Magaalada Garoowe ku xiray Weriye Suways Jaamac Maxamuud (Gacayte) oo katirsan…
Wararka Soomaaliya
Laamaha ammaanka Puntland ayaa saaka Magaalada Garoowe ku xiray Weriye Suways Jaamac Maxamuud (Gacayte) oo katirsan suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Weriye Suways Gacayte oo kamid ahayd hawl-wadeenada warbaahinta Dowladda ayaa la xiray xilli ay maraysey bartamaha Magaalada Garoowe, xilli subaxnimadii hore ee saaka ciidanku tageen guriga ay ka deggan tahay Garoowe.
Dowladdu ilaa hadda faahfaahin kama aysan bixin xarigga weriye Suways Gacayte, oo bilowgii sanadkaan uu dacwad ka gudbiyey wasiirkii hore ee Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

