35.6 C
New York

Wararka: Wax ka Ogaw magaalooyinkii xalay sida weyn looga Xusay mun…

Published:

da Luulyo xalay lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, Dhuusamareeb, Garoowe, Laascaanood iyo Badhan, halkaas oo laga dhigay isu-soobaxyo, bandhigyo calanka Soomaaliyeed ah iyo barnaamijyo lagu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo midowgii labada gobol ee Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya

Maanta oo ku beegan 1-da Luulyo, caasimadda Muqdisho waxaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo mid ka mid ah dabaal-degyadii ugu waaweynaa ee loo qabto maalintan tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo kumannaan shacab ah iyo madaxda dowladda ay ka qeyb geli doonaan munaasabadda.

Sidoo kale, qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa qabanaya munaasabado waaweyn oo lagu xusayo 66-guurada xorriyadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, si ay u muujiyaan taageeradooda taariikhda qaranimada iyo midnimada dalka.

Xuska 66-guurada 1-da Luulyo ayaa sanadkan kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado siyaasadeed oo ay ka mid yihiin faragelinta maamulka Israa’iil iyo khilaafaadka guduhu.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img