Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, oo hoggaaminayey wafti ballaaran oo wasiirro ah,…
Wararka Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, oo hoggaaminayey wafti ballaaran oo wasiirro ah, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen maamulka Degmada Waaciye, isimada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah horumarka degmada, xoojinta wada-shaqaynta dowladda iyo bulshada, ilaalinta amniga, dardargelinta adeegyada bulshada iyo horumarinta degmada.
Wasiirku wuxuu adkeeyey in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta kala dhaxaysa maamulka degmooyinka iyo bulshada, si loo dardargeliyo loona adkeeyo nabadda, horumarka iyo adeegyada bulshada.
Faahfaahinta
Sidoo kale, maamulka Degmada Waaciye iyo bulshada ayaa soo bandhigay baahiyaha iyo fursadaha horumarineed ee degmada, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaataan ilaalinta amniga, xoojinta wadajirka bulshada iyo horumarinta degmada.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

