Xubno katirsan golaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa safar shaqo ku maraya deegaamo katirsan gobolada Mudug, Nugaal,…
Wararka Soomaaliya
Xubno katirsan golaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa safar shaqo ku maraya deegaamo katirsan gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar, Haylaan, Sanaag, Bari iyo Raas-casayr.
Wafdigaan ayaa ujeedkoodu salka ku hayaa u kuurgelidda xaaladda deegaanka, ururinta baahiyaha bulshada, dhagax-dhigga mashaariic horumarineed, wacyigelinta bulshada iyo adkaynta nabadgelyada & midnimada shacabka Puntland.
Qaar kamid ah wafdiga ayaa booqday xeryaha ciidamada Dowladda Puntland, saldhigyada booliska , xarumaha danta guud ee gobolka Mudug, iyagoo la wareegey ciidamo beeleedyo si madax-banaan horey ugu sugnaa deegaamo katirsan gobolka Mudug.
Faahfaahinta
Mas’uuliyiinta ayaa xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey deegaanka Bilcil iyo degmada Buursaalax ee gobolka Mudug, iyagoo balanqaaday inay baahiyaha dadka deegaanka gaarsiin doonaa xafiisyada ay qusayso ee Dowladda.
Dhanka kalena, wafdiga ku sugan gobolka Sanaag ayaa mashaariic ka dhagax-dhigay degamda Badhan, iyagoo warbixino iyo talooyin ka dhegaystay bulshooyinka Badhan, Xiingalool iyo qaar kamid ah degmooyinka kale ee gobolka Sanaag ka kooban yahay, kahor inta aysan u gudbin gobolka Haylaan.
Qaar kamid ah bulshada ay wafuudda Dowladdu booqdeen ayaa soo bandhigay baahiyo iyo tabashooyin ay ka qabaan adeegyada aasaasiga ah ee nolosha, waxayna Dowladda Dhexe ee Puntland ka codsadeen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyohooda, ayna dhankooda diyaar u yihiin difaaca Puntland iyo inay ka hortagaan cidkasta oo wax u dhimaysa midnimada.
Saamaynta
Socdaalka wafuudda Dowladda ee gobolada ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Dowladda Federalka ah ee Somalia ku dhawaaqday inay faragelin toos ah ku samayn doonto deegaamada Puntland isla markaana ay si madax-banaan uga qoran doonto kumanaan askari oo ka amar qaata taliska guud ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, siyaasiyiin, Isimo iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa ka digey faragelinta Dowladda Federalka ah ee Somalia, waxayna ugu yeereen reer Puntland inay u midoobaan cidkasta oo waxyeelaynaysa ammaankeeda, xalistaanna tabashooyinka dhexdooda ah.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

