25.9 C
New York

Wararka: Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Published:

Geneva, Switzerland – Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Isbeddelka Dijitaalka, Mudane Sangbu Kim, xilli uu ka qayb galayo Shirka Heerka Sare ee WSIS+20 ee ka dhacaya magaalada Geneva. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray jihada cusub ee iskaashiga Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

Wararka Soomaaliya

Kulankan ayaa muhiim u ah xilligan, sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay tallaabo cusub oo ay Soomaaliya uga sii dhowaanayso midowga caalamiga ah ee dhanka tiknoolajiyadda, iyadoo la isla qaatay mudnaanta la siinayo hirgelinta Qorshaha Qaran ee Digital Public Infrastructure (DPI). Qorshahan ayaa la filayaa inuu saldhig u noqdo isku xirka adeegyada dowladda, fududeynta adeeg bixinta, iyo kobcinta dhaqaalaha ku dhisan tiknoolajiyadda.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii taageerada Bangiga Adduunka ay ula jaanqaadi lahayd qorshayaasha dib-u-habeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha adeegyo dijitaal oo gaara muwaadiniinta iyo ganacsiyada dalka.

Wasiir Soomaali ayaa xusay in iskaashiga caalamiga ahi uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dardargelin karo isbeddelka dhijitaalka ah. Wuxuu yidhi: “Dalalka waxaa muhiim ah inay iska bartaan waaya-aragnimada, is-weydaarsadaan aqoonta iyo hababka ugu wanaagsan ee lagu hirgelin karo isbeddelka dhijitaalka ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal dhijitaal ah oo loo dhan yahay.”

Faahfaahinta

Waxaa intaas dheer, Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gaartay dib-u-habaynta nidaamka sharciyeed ee ICT-ga, iyo horumarinta Kaabeyaasha Dadweynaha ee Dhijitaalka ah (Digital Public Infrastructure – DPI), taas oo ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo adeegyo dowladeed oo casri ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammada dhinacyada badan ee ay wafdiga Soomaaliya ka wadaan magaalada Geneva, kuwaas oo lagu ballaarinayo iskaashiyada caalamiga ah isla markaana lagu soo jiidanayo taageero dheeraad ah oo lagu hirgelinayo himilooyinka isbeddelka dijitaalka ee dalka.

Shirka Heer Wasiir ee WSIS Forum 2026 ayaa isku keenay Wasiirrada iyo madaxda sare ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay si ay uga wada hadlaan hirgelinta natiijooyinka WSIS+20, horumarinta isbeddelka dhijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img