26.7 C
New York

Wararka: War cusub oo kasoo kordhay doorashada maamulka Galmudug

Published:

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday ololaha doorashada ee maamulkaasi, kadib markii heshiis buuxa laga gaaray xiisaddii u dhexeysay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo kooxda Villa Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya

Caasimada Dhuusamareeb oo dhawaan martigelin doonto wafuud kala duwan waxaa maanta gaaray xubno ka socda Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas ololahooda ka bilaabaya deegaannada Galmudug.

Wafdigan oo ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), kaas oo sheegay in ujeedkooda uu yahay inay olole sameeyaan, ayna xafiisyo ka furtaan maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in safarkooda ay ku gaari doonaan dhammaan deegaannada la qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyin qof iyo codka ah ee laga qabanayo gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.

Faahfaahinta

“Waxaan nahay mas’uuliyiintii ugu sarreysay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ujeedada aan Dhuusamareeb usoo gaarnay waa in uu bilowday ololihii iyo daah-furka xafiisyada xisbiga ee Galmudug, waxaa noo qorsheysan inaa gaarno dhammaan 11-ka degmo iyo deegaannada kale ee loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada qof iyo codka,” ayuu yiri Xuseen Maxamed Nuur.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka JSP, Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) ayaa sidoo kale sheegay in ay shacabka usoo bandhigi doonaan qorshahooda, wuxuuna ka codsaday inay codka siiyaan xisbigooda.

“Waxaan rajeynaynaa inaan wada guuleysano oo shacabka Galmudug ay dhammaantood u codeyn doonaan Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka, dalku wuxuu u jeesytay doorasho qof iyo cod ah,” ayuu mar kale yiri Xuseen.

Saamaynta

Galmudug ayaa qaadeysa dhabihii ay martay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan laga qabtay doorashooyin isku sidkan, oo dhaliyay isbeddal ka dhacay maamulkaasi, maadaama lagu soo doortay hoggaan cusub.

Si kastaba, JSP ayaa musharraxeeda Galmudug u xulatay Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) oo maalmihii dambe waday dhaqdhaqaaq iyo olole xooggan, isaga oo sidoo kale la fariistay Madaxweyne Qoor Qoor oo yimid Muqdisho.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img