Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale) ayaa…
Wararka Soomaaliya
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale) ayaa safar shaqo ku tagay degmada taariikhiga ah ee Laas-qoray oo katirsan gobolka Haylaan.
Safarka Wasiirka ayaa salka ku hayey u kuurgelidda xaaladda guud ee kalluumaysatada, qiimeeyo xaaladda kaabeyaasha kalluumaysiga iyo kormeerka xaaladaha kastamada deegaamada Durdura & Xumbays.
Wasiirku wuxuu booqday goobaha taariikhiga ah ee kalluumaysiga sida warshaddii Kalluunka ee Tuna, xafiiskii hore ee Wasaaradda iyo goobo kale, wuxuuna ballanqaaday in mudnaan la siin doono dayactirka iyo horumarinta Kalluumaysatada iyo kaabayaasha Kalluunka degmada Laas-qoray
Faahfaahinta
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa ka mahadceliyey dhul si gaar ah loogu asteeyey Wasaaradda, oo ay xukuumadda Puntland qorshaynayso inay ka dhisto Machadka Cilmiga Badaha iyo Kalluumaysiga.
Dhankooda Kalluumaystada iyo qaar kamid ah bulshada degmad ayaa dowladda ka codsaday in wax laga qabto baahiyaha bulshada iyo marxaladaha ku gadaaman kalluumaysatada Degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay Laas-qoray ka banaan yihiin fursado maalgashi gaar ahaan kaabayaasha kalluumaysiga iyo dalxiiska, wuxuuna ganacsatada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan dowladduna doorkeeda qaadan doonto.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

