35.6 C
New York

Wararka: Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo La Fil…

Published:

Wararka isa soo taraya ayaa sheegaya in dhowaan la filayo inay billowdaan wadahadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo la filayo inay diiradda saaraan hannaanka doorashooyinka iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed.

Wararka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu adkaysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku doodaysa in ay tahay hannaan dastuuri ah oo lagu ballaarinayo ka qaybgalka shacabka.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo bandhigay hindise doorasho oo ay ku tilmaameen mid lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed, iyagoo ku baaqay in lagu saleeyo wadatashi iyo heshiis ay wada gaaraan dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo jeediyay hannaan doorasho oo ku-meel-gaar ah, kaas oo shacabka ay si toos ah ugu dooranayaan xildhibaannada, balse lagu sii ilaalinayo saamiga awood-qaybsiga ee 4.5 inta laga gaarayo is-afgarad buuxa.

Faahfaahinta

Hindisaha ayaa sidoo kale dhigaya in doorashada ay maamulaan guddi ay si wadajir ah u magacaabaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, taas oo mucaaradku ku tilmaamay waddo lagu gaari karo heshiis siyaasadeed iyo doorasho loo dhan yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in beesha caalamku door ka qaadan karto fududeynta wada-hadallada, inkastoo aan weli la shaacin taariikh rasmi ah oo uu shirku furmayo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img