Xarunta Dhexe ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta lagu qabtay kulanka Guddiga Fulinta ee ururka, kaas oo uu shir-guddoominayay Xoghayaha Guud ee ururka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.
Wararka Soomaaliya
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga doorashada soo socota ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qorsheyaasha ururka ee ku aaddan ka qeybgalka doorashada.
Kadib dood iyo falanqeyn, Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay in Mudane Liibaan Axmed Xasan uu noqdo musharraxa rasmiga ah ee ururka u metelaya doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee muddo-xileedka 2026–2031.
Ururka JSP ayaa sheegay in magacaabistani ay ka tarjumeyso kalsoonida uu ku qabo hoggaanka iyo kartida Liibaan Axmed Xasan, iyadoo la xusay in maalmaha soo socda la dardargelin doono ololaha iyo diyaar-garowga doorashada Galmudug.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

