Mareykanka ayaa sare u qaaday dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Bariga Dhexe, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu digniin culus u diray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isaga oo uga digay inuu dib u bilaabo dagaal ka dhan ah Iiraan.
Wararka Soomaaliya
Trump ayaa sheegay in Netanyahu uu “kaligiis noqon doono” haddii Israa’iil ay sii waddo weerarrada ka dhanka ah Iiraan, xilli labada dal ay hakiyeen duqeymihii isdhaafsiga ahaa ee dhacay maalmihii lasoo dhaafay.
Wararka ayaa sheegaya in Trump uu si toos ah ula xiriiray Netanyahu, kuna boorriyey inuu joojiyo weerarrada, si loo sii ambaqaado wada-hadallada nabadeed ee aan tooska ahayn ee u dhexeeya Washington iyo Tehran.
Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan, taas oo keentay in Iiraan ay gantaallo ku garaacdo waqooyiga Israa’iil.
Faahfaahinta
Inkastoo xabbad-joojin ay dhaqan gashay bishii Abriil, haddana dhacdooyinkan ayaa noqday kuwii ugu cuslaa ee labada dhinac dhex mara tan iyo markaas.
Maalintii Isniinta, Israa’iil ayaa weerartay nidaamyada difaaca hawada iyo xarun batrool kiimiko ah oo ku taalla Iran, halka Iiraan ay jawaab ahaan bartilmaameedsatay xarun la mid ah oo ku taal magaalada Haifa iyo laba saldhig oo ciidan oo Israa’iili ah.
Dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dejinayo colaadda ayaa weli socda, iyadoo caalamku si dhow ula socdo haddii labada dhinac ay u hoggaansami doonaan baaqyada nabadeed ama ay dib ugu laaban doonaan dagaal cusub oo gobolka oo dhan saameeya.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

