Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed (NCA) ayaa si rasmi ah uga codsatay shirkadda Meta Platforms inay hakiso hirgelinta adeegga cusub ee “WhatsApp Usernames” gudaha Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay saameynta amni iyo sharci ee adeeggan cusub.
Wararka Soomaaliya
NCA ayaa sheegtay in adeegga “Usernames” uu u baahan yahay dib-u-eegis iyo wadatashi dhinaca sharciyeynta ah ka hor inta aan loo oggolaan isticmaalayaasha Soomaaliyeed, si loo hubiyo badqabka dadka isticmaala barnaamijka WhatsApp iyo ilaalinta xogtooda gaarka ah.
Hay’addu waxay xustay in tiknoolajiyad kasta oo cusub oo saameyn ku leh shacabka Soomaaliyeed ay muhiim tahay in lagu sameeyo qiimeyn qoto dheer, gaar ahaan dhinacyada amniga internet-ka, khiyaanooyinka dijitaalka ah iyo isticmaalka aqoonsiyo been abuur ah.
Soomaaliya ayaa sidaas ku biirtay Dowladda Hindiya iyo dalal kale oo Meta ka dalbaday in adeeggan dib loogu sameeyo qiimeyn dheeraad ah, kaddib markii ay soo baxeen walaacyo ku saabsan in “WhatsApp Usernames” loo adeegsan karo marin habaabin, iyo falal khiyaano internet ah.
Faahfaahinta
Adeegga cusub ee WhatsApp ayaa dadka isticmaala u oggolaanaya inay wada xiriiraan iyagoo adeegsanaya magacyo gaar ah halkii ay ka isticmaali lahaayeen lambarrada taleefannada, arrin ay Meta ku sheegtay mid kor u qaadaysa asturnaanta isticmaalayaasha.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

