28 C
New York

Wararka: Soomaaliya oo cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay …

Published:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo ku tilmaantay fal argagixiso oo waxashnimo ah.

Wararka Soomaaliya

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si cad u diiddan tahay argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha ku dhisan nooc kasta oo ay u dhacaan, isla markaana ay dib u xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, lana xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay garab istaag iyo taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tacsi iyo tiiraanyo u direyso qoysaska iyo dhammaan dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarka, iyadoo dhaawacyadana u rajeysay caafimaad degdeg ah.

Faahfaahinta

Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay ku baaqday in sharciga la horkeeno dhammaan dadkii ka dambeeyay weerarka, si cadaalad loo marsiiyo falkaas argagixiso.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img