28 C
New York

Wararka: Soomaaliya oo Beenisay in eVisa uu Sabab u Yahay Xayiraada…

Published:

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Balcad ayaa ka jawaabay eedeymo ay soo jeediyeen Siyaasiyiin oo ku saabsanaa xayiraadaha fiisooyinka ee Midowga Yurub uu kusoo rogay Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya

Wuxuu sheegay in xayiraadaha dhinaca fiisooyinka ee ay dhawaan soo rogeen Soomaaliya dalalka Midowga Yurub aysan wax xiriir ah la lahayn nidaamka eVisa ee Soomaaliya, isla markaana aan loo fasiran karin qiimeyn ku saabsan habka ay u shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in sharaxaadda Midowga Yurub ay si cad u muujineyso in tallaabadan ay la xiriirto arrimaha socdaalka iyo dib-u-celinta muhaajiriinta aan sharciga ku joogin dalalka Yurub, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo wada shaqeynta dhinaca dib-u-celinta dadkaasi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan ahayn dalkii ugu horreeyay ee la kulma tallaabooyin noocan oo kale ah.

Faahfaahinta

Wasiirka ayaa difaacay hirgelinta nidaamka eVisa, isagoo sheegay in loo sameeyay casriyeynta, fududeynta iyo sugidda amniga habraacyada gelitaanka dalka, isla markaana uusan ahayn nidaam loogu talagalay in lagu go’doomiyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in doodaha qaran ay diiradda saaraan xoojinta hay’adaha dowladda, horumarinta nidaamyada maamulka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay saaxiibbada caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la buunbuunin caqabadaha jira ama aan loo adeegsan dano siyaasadeed.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img