23.7 C
New York

Wararka: Sidee dunida uga falcelisay Heshiiska Nabadeed ee Maraykan…

Published:

Dunida ayaa si weyn u soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Maraykanka iyo Iiraan ee lagu soo afjarayo colaaddii u dhexeysay labada dhinac, taas oo sidoo kale la xiriirtay weerarrada Israa’iil ee Iiraan iyo Lubnaan.

Wararka Soomaaliya

Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu horseedo dib u furista marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, oo muhiim u ah ganacsiga tamarta caalamka.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in heshiiska lala galay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan la soo gabagabeeyay, isaga oo sheegay in dib loo furayo marin-biyoodka Hormuz si maraakiibta caalamku ay si xor ah ugu gudbaan.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in heshiis ballaaran oo ay ku jiraan arrimaha cunaqabateynta lagu dhammeystiri doono muddada xabbad-joojinta ee 60-ka maalmood ah.

Faahfaahinta

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa bogaadiyay heshiiska, isaga oo sheegay in la filayo in si rasmi ah loogu saxiixo dalka Switzerland maalinta Jimcaha, kadib bilo dagaallo iyo xiisado gobolka ka jiray.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay sida labada dhinac ay uga go’an tahay xallinta khilaafaadka iyada oo loo marayo wada-hadal iyo dariiqooyin nabadeed. Sidoo kale Türkiye ayaa heshiiska ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , Antonio Guterres, ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xal nabadeed oo waara.

Saamaynta

Midowga Yurub, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Bangladesh ayaa iyaguna soo dhaweeyay heshiiska, iyaga oo ku baaqay in si buuxda loo dhaqan geliyo qodobada lagu heshiiyay iyo in la xaqiijiyo xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil ayaa muujiyay walaac ku saabsan heshiiska. Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in dalkiisu sii joogi doono dhulalka uu ka qabsaday Lubnaan, Suuriya iyo Qaza inta heshiisku socdo.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa heshiiska ku tilmaamay mid aan dan ugu jirin Israa’iil, isaga oo sheegay in Tel Aviv ay sii wadi doonto dadaallada lagu xakameynayo awoodda nukliyeerka ee Iiraan.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img