Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dib-u-dhis lagu sameynayo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso hey’adaha muhiimka u ah adeegga bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Wararka Soomaaliya
Xamza oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta ganacsiga, horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan.
“Xarunta Wasaaradda oo muddo 50 sano ah dhisnayd, kana muuqatay duugnimo, dib-u-dhiskeedu waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddani waxa ay kamid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah Qaranka, waana albaabka loo maro ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka dalkeenna,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.
Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay tayeynta kaabeyaasha hey’adaha Qaranka, si loo dardargeliyo adeegyada ay shacabka u hayaan, loona xoojiyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka.
Faahfaahinta
Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda dalka laga hirgelin doono warshado waa wayn, isla markaana fursadaas maalgashi ay u furan tahay ganacstada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaaniibta ah ee daneynaya inay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira dalkeenna’.
“Dalkeennu wuxuu u jihaystay dhanka horumarka iyo kobcinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay dalka ka hirgalaan warshado badan oo ay leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah oo dalka maalgashanaya.” ayuu sii raaciyay Xamza.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan hirgelinta mashruucan dib-u-dhiska ah, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hey’adda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.
Saamaynta
Xukuumadda DanQaran ayaa bilihii ugu dambeeyay wadday dib u dhiska xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, waxaana ugu dambeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xarunteeda Degmada Boondheere dib loo dhisay, loona daah-furay maalmo kahor kadib munaasabad uu ka qayb-galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

