25.3 C
New York

Wararka: Saddexda gole ee Dowladda Puntland oo shir uga furmay Garo…

Published:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Mudane Xasan Yusuf Nuur, ayaa furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Dowladda Puntland.

Shirkan oo ay ka wada qeybgelayaan Goleyaasha Dowladda Puntland, heerarka kala duwan ee Dowladda Puntland illaa heer degmo iyo Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa looga hadlayaa sidii loo dardargelin lahaa maamul daadajinta iyo horumarinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Puntland.

Hanti-dhowrka Guud, Wasaaradaha, Taliska Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland ayaa madasha kusoo bandhigay heerka wadashaqeynta Dowladda iyo horumarada laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha , Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo baahiyaha bulsho ee kajira deegaannada iyo soodeejinta wax looga qabanayo baahiyahaasi.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img