24.3 C
New York

Wararka: Sacuudiga oo tababaraya 5,000 oo askar Soomaali ah

Published:

Wafdi militari oo ka socda dowladda Sacuudi Carabiya ayaa booqday laba xero oo ku yaalla magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu tababarayo ciidamo hoos taga dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya

Booqashada ayaa qeyb ka ah barnaamij ay maalgelinayso dowladda Sacuudiga, kaas oo lagu tababarayo cutubyo cusub oo la qorsheynayo inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in barnaamijku uu gaarsiisan yahay tababarka 5,107 askari, kuwaas oo ku kala sugan labada xero ee uu wafdiga Sacuudigu booqday.

Askartaas waxaa la sheegay inay ku jiraan ku dhowaad 2,000 oo dhalinyaro ah oo laga soo qoray deegaannada Puntland, halka ciidamada kale laga soo ururiyey gobollo kala duwan oo dalka ah.

Faahfaahinta

Tababarka ayaa la qorsheeyey inuu socdo muddo sagaal bilood ah, si ciidamada loo siiyo xirfadaha aasaasiga ah ee militariga, nidaamka hawlgallada iyo tababarrada la xiriira dagaalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in tababarka ay bixinayaan macallimiin militari oo ajaanib ah, kuwaas oo ka kala socda dalalka Romania, Ukraine, Koonfur Afrika iyo Colombia. Dowladda Soomaaliya weli si faahfaahsan ugama hadlin qaabka loo soo xulay tababarayaasha iyo nooca tababarka ay ciidamada siinayaan.

Heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudiga

Saamaynta

Booqashada wafdiga ayaa ku soo aadeysa dhowr bilood kaddib markii Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga difaaca iyo militariga.

Heshiiskaas oo 9-kii Febraayo 2026 lagu saxiixay magaalada Riyadh ayaa lagu sheegay inuu xoojinayo xiriirka difaaca, tababarka ciidamada iyo iskaashiga dhinacyada ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa heshiiska la saxiixday dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan qodobbada uu ka kooban yahay.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img