Xisbiga mucaaridka ah ee KAAH eeSoomaaliland ayaa si kulul uga soo horjeestay wararka sheegaya in maamulka Hargeysa uu safaarad wax safaarad lagu magacaabay ka furtay magaalada Quddus, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa qiyamka Islaamka iyo mowqifka ay inta badan dunida Muslimka ka taagan tahay qaddiyadda Falastiin.
Wararka Soomaaliya
Qoraal uu xisbigu soo saaray ayuu ku sheegay in arrintani ay tahay qaddiyad diimeed iyo mid bani’aadannimo, isla markaana magaalada Quddus ay dunida Islaamka u aqoonsan tahay caasimadda dowladda Falastiin.
Xisbiga KAAH ayaa sheegay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo dhaawacaysa mowqifka shacabka Soomaaliland kan dalalka Islaamka ee ku aaddan taageerada shacabka Falastiin, isagoo ugu baaqay madaxda Somaliland inay dib uga fiirsadaan go’aannada la xiriira arrintan.
Wararka ku saabsan furitaanka xaafiiskan safaaradda lagu sheegay ayaa dhaliyay dood siyaasadeed iyo falcelin kala duwan, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mowqifka maamulka Somaliland ee arrintan.
Faahfaahinta
Xisbiga KAAH ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la ilaaliyo mowqifka taariikhiga ah ee lagu taageerayo xuquuqda shacabka Falastiin iyo in Quddus loo aqoonsado caasimaddooda.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

