18.3 C
New York

Wararka: PUNTLAND: Wasiiro la kulmay odayaasha deegaanka Daarusalaa…

Published:

xigeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa safar shaqo ku…

Wararka Soomaaliya

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa safar shaqo ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, iyagoo kulan la qaatay odayaasha deegaanka Daarusalaam.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha horumarineed ee ka jira halkaasi. Qodobka ugu weyn ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa dayactirka iyo horumarinta waddada isku xirta deegaanka Daarusalaam iyo degmada Bursaalax, taas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo gaarsiinta adeegyada.

Masuuliyiinta ayaa ku boorriyay bulshada deegaanka inay sii xoojiyaan wada shaqeynta dhinaca amniga, isla markaana ay ka qeyb qaataan ilaalinta xasilloonida deegaanka. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen dib ugu soo laabashada dadka reer guuraaga ah ee u soo naqday deegaanka.

Faahfaahinta

Ugu dambeyn, masuuliyiintu waxay bulshada u xaqiijiyeen in Dowladda Puntland ay si degdeg ah uga shaqeyn doonto wax ka qabashada baahiyaha mudnaanta leh ee ay qabaan dadka deegaanka Daarusalaam, iyagoo xusay in horumarinta adeegyada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ay qayb ka yihiin qorshaha dowladda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img