Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa xerada 54-aad ee magaalada Garoowe ku xiray ku dhawaad 20 askari…
Wararka Soomaaliya
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa xerada 54-aad ee magaalada Garoowe ku xiray ku dhawaad 20 askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Booliska Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen falal ka baxsan anshaxa iyo shuruucda ciidannimada.
Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland ayaa xaqiijiyey in askartan loo haysto eedo la xiriira khalkhal-gelin amni iyo boob hanti dadweyne, xilli ay gedood ka sameeyeen magaalada Garoowe.
Laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in askartaan baaritaan lagu samayn doono isla markaana la horgeyn doono maxkamadaha awoodda u leh inay ku qaadaan qodobada lagu soo eedeeyey.
Faahfaahinta
Maalin kahor ayey ahayd markii qaar kamid ah bulshada Garoowe dowladda ka codsadeen inay sharciga horgeyso askar katirsan Birmadka Booliska Puntland oo dhac u geystey ganacsato iyo qaar kamid ah bulshada caasimadda.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

