Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysey sheegtay in qorshah ciidamada federaalka ee laga qorayo deegaannadeeda uu…
Wararka Soomaaliya
Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysey sheegtay in qorshah ciidamada federaalka ee laga qorayo deegaannadeeda uu xiriir la lee yahay qorshe siyaasadeed oo ku saabsan doorashada federaalka ee Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, oo ku sugan gobolka Mudug, ayaa sheegay in ciidamada la qorayo ay ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo shaqsiyaad xiriir dhow la leh Villa Somalia, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay saameyn ku yeeshaan doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee soo socota.
Dujaana ayaa sheegay in shaqsiyaadkaasi ay beelahooda ka qoranayaan ciidamo, si ay u muujiyaan awood iyo taageero, isla markaana ay ugu hirgeliyaan qorshaha doorasho ee Villa Somalia deegaannada ay ka soo jeedaan.
Faahfaahinta
Wasiir ku-xigeenka ayaa intaas ku daray in Puntland ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyadaas, isagoo xusay in maamulka uu ka digayo tallaabo kasta oo, sida uu sheegay, amniga iyo xasilloonida Puntland u adeegsan karta dano siyaasadeed.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

