Xubno katirsan xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo saraakiisha ammaanka heer gobol ayaa kormeer xilli habeenimo…
Wararka Soomaaliya
Xubno katirsan xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo saraakiisha ammaanka heer gobol ayaa kormeer xilli habeenimo ah ku tegey qaar kamid ah xaafadaha iyo goobaha lagu caweeyo ee Magaalada Galkacyo.
Mas’uuliyiinta ayaa u kuurgalay xaaladda amni ee Magaalada, aragtida bulshada ee ku aaddan midnimada Puntland iyo wacyigelin la xiriirta in meel looga soo wada jeesto cidkasta oo ammaanka Puntland waxyeelaynaysa, sida ay Wasiiradu sheegeen.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug iyo xubnaha ka socdey golaha xukuumadda ayaa sheegay in Puntland isku filan tahay isla markaana ay gacan bir ah ku qaban doonto cidkasta oo iskudaysa inay waxyeelayso ammaankeeda.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

