24.7 C
New York

Wararka: PUNTLAND oo digniin u dirtay Turkiga iyo Dowladda Federalk…

Published:

saxaafadeed ay caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan maamulka kheyraadka badda iyo heshiisyada…

Wararka Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan maamulka kheyraadka badda iyo heshiisyada la xiriira xeebaha Puntland, iyadoo sheegtay inaysan oggolaan doonin shirkado ama dowlado shisheeye inay ka howlgalaan biyaha Puntland iyada oo aan fasax laga helin Hay’adaha dastuuriga ah ee Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay leedahay awood dastuuri ah oo ay ku maamusho, ku ilaaliso, kuna horumariso kheyraadka badda iyo dhaqaalaha buluugga ah ee ku teedsan xeebteeda oo dhererkeedu yahay qiyaastii 1,600 kiiloomitir, laga bilaabo Gacanka Cadmeed ilaa Badweynta Hindiya.

Dowladda Puntland ayaa waxa ay sheegtay in xuquuqdaas uu saldhig u tahay Dastuurka Puntland iyo midka kumeel gaarka ah ee ay ku heshiiyeen umadda Soomaaliyeed 2012, oo ay dhawaan waxka-beddel khilaaf abuuray ku sameeyeen barlamaanka Somalia.

Faahfaahinta

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in shirkad kasta oo shisheeye, ha noqoto mid gaar loo leeyahay ama dowladeed, oo ay ku jirto shirkadda Turkiga ee SOMTÜRK, aysan fulin karin mashaariic la xiriira kalluumeysiga, ilaalada xeebaha ama maalgashiga kale ee biyaha Puntland iyada oo aan marka hore oggolaansho rasmi ah ka helin maamulka Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan awood ugu lahayn inay bixiso rukhsado ama heshiisyo maalgashi oo khuseeya dhulka iyo biyaha hoos yimaada Puntland.

Waxay Dowladda Puntland ku dooddey in muddo-xileedka hay’adaha federaalka uu dhammaaday, sidaas darteedna aysan awood u lahayn inay galaan heshiisyo saameyn ku yeelanaya deegaannada Puntland iyo guud ahaan khayraadka dalka.

Saamaynta

Puntland ayaa War-saxaafadeedka ku xustay in Soomaaliya ay qaadatay nidaam federaal ah, isla markaana dastuurka ku-meel-gaarka ah uu dhigayo in Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay wada-tashi iyo is-afgarad ku gaaraan maamulka iyo qaybsiga kheyraadka dabiiciga ah.

Ugu dambayntiina Dowladda Puntland ayaa sheegtay in qodobada dastuurka federaalka ay waajib ka dhigayaan wada-shaqeyn iyo wada-xaajood ka hor inta aan la gaarin go’aanno noocan oo kale ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img