Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in xisbiga Nabad iyo Nolol uu si cad uga soo horjeedo soo jeedin kasta oo ku baaqeysa in Soomaaliya dib loogu celiyo nidaamka KMG ah.
Wararka Soomaaliya
Warqadda uu Golaha Mustaqbalka si toos ah diray dalalka ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howl-galka AUSSOM iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa loogu jeediyay in loo baahan yahay dhismaha gole KMG ah, si loo badbaadiyo sharciyadda iyo kalsoonida.
Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in Nabad iyo Nolol oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uusan marnaba taageersanayn in dalka dib loogu celiyo marxaladdii KMG ahayd, isagoo xusah in Soomaaliya ay soo dhaaftay heerkaas.
“Ku noqoshada nidaamkii ku-meel-gaarka ahaa waxay noqon lahayd dib u dhac siyaasadeed, mana aha xal waara oo lagu wajahayo caqabadaha maanta jira,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq oo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo horumarka dowlad-dhiska ee dalka laga gaaray.
Faahfaahinta
Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhaliilay in dalka u horseeday heer mar kale lagu fikiro suurtagalnimada in dalka dib loogu celiyo marxaladdii ku-meel-gaarnimadii.
Cabdirisaaq ayaa ku dooday in halkii dib loogu laaban lahaa nidaam KMG ah ay habboon tahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay sii wadaan wada-hadallada iyo dadaallada lagu raadinayo is-afgarad, isagoo xusay in tanaasul, wadatashi iyo wada-xaajood ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka taagan.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal kasta oo siyaasadeed uu ku saleysnaado heshiis ay wada gaaraan saamileyda siyaasadda dalka, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, loogana fogaado tallaabooyin dib u dhac ku keeni kara hay’adaha dowladda.
Saamaynta
Hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo awood-qaybsiga dalka, iyadoo dowladda iyo mucaaradka ay weli isku hayaan sida looga gudbi karo ismari-waaga siyaasadeed.
Si kastaba, warqaddii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhalisay falcelinno kala duwan oo ka imanaya dhinacyada siyaasadda, iyadoo qaar ay u arkaan waddo lagu gaari karo xal siyaasadeed, halka kuwo kalena, sida xisbiga Nabad iyo Nolol ay ku doodayaan in dib loogu laabto nidaamka KMG ah uu dhaawici karo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-dhiska dowladnimada.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

