24.7 C
New York

Wararka: Muxuu daaran yahay safarka guddoomiye Sacdiya Salaad ee Ba…

Published:

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo…

Wararka Soomaaliya

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi Xildhibaanno ah oo ay hoggaaminayso ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb geli doonta xafladda caleemo-saarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmaha soo socda qabsoomi doonta.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img