Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in colaadda Bariga Dhexe ay saamaynteedu soo gaartay Geeska Afrika, taasoo dhalisay isbeddello waaweyn oo jaan-gooynaya isbahaysiyo cusub iyo dalal ku shuraakoobaya ilaalinta danahooda.
Wararka Soomaaliya
Muuse Biixi ayaa tilmaamay in isbeddellada dunida ka dhacaya iyo duufaannada siyaasadeed ee jira ay lagama maarmaan ka dhigayaan in si hufan looga fiirsado tallaabo kasta oo la qaadayo, si looga fogaado ilduuf siyaasadeed.
Qoraal uu soo saaray munaasabadda 26-ka Juun ayuu Muuse Biixi sidoo kale ku sheegay inay sii kordhayso saamaynta dalalka waaweyn ee Muslimka ah, sida Iiraan, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudiga, kuwaas oo uu sheegay inay sameysteen isbahaysi.
Wuxuu intaas ku daray in xiriirka sii xumaanaya ee Mareykanka iyo Israa’iil uu keeni karo in dalalkaas ay isku soo dhowaadaan, taasoo uu ku tilmaamay isbeddel weyn oo u baahan in Somaliland ay si xeeldheer u eegto ka hor inta aysan qaadin tallaabooyin xasaasi ah.
Faahfaahinta
Muuse Biixi ayaa sidoo kale hadal qaaday in isbahaysiyadan dalalka Islaamka ay suuragal tahay inay sidii hore ka badan isugu soo dhowaadaan, sababo la xiriira is-maan-dhaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Mareykanka iyo Israa’iil.
Wuxuu uga digay xukuumadda cusub ee Somaliland, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, inay si dhexdhexaad ah oo taxaddar leh u darsaan saamaynta ballaaran ee ka dhalan karta heshiisyada caalamiga ah. Waxa uu sheegay in colaadda Bariga Dhexe ay saamayn toos ah ku leedahay Geeska Afrika, sidaas darteedna loo baahan yahay in tallaabo kasta oo la qaadayo lagu miisaamo danta guud ee Somaliland.
“Sidaas awgeed, waxa la gudboon Dawladda, gaar ahaan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, inay si xeeldheer u daraasadayso saamaynta ka dhalan karta isbeddelladan caalamiga ah, si looga baaqsado ilduuf siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Qaranka. Waxa kale oo muhiim ah in tallaabooyinka aynu hore u qaadnay iyo kuwa ina horyaalla la is waafajiyo, iyadoo lagu salaynayo danta Qaranka,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.
Saamaynta
Israa’iil ayaa bishii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, taasoo dhalisay falcelinno kala duwan oo isugu jiray dabbaaldeg ay muujiyeen taageerayaasha aqoonsiga iyo walaac dhinacyada amniga iyo diinta ah oo ay muujiyeen culimada iyo qaybo ka mid ah bulshada.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isna dhowaan sheegay in dalkiisu uu danihiisa ka eegayo cid kasta oo aqoonsi rasmi ah siisa. Hadalkaas ayaa yimid kaddib markii uu booqasho maalmo qaadatay ku tegay dhulka ay Israa’iil xoogga ku haysato.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

