Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay eedeymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xilli uu ka hadlayay xiriirka muranka dhaliyay ee maamulka uu la yeeshay Israa’iil iyo dadaallada aqoonsiga maamulka.
Wararka Soomaaliya
Muuse Biixi ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku beeniyay inuu marna sheegay in Somaliland ay aqoonsi rasmi ah ka heshay dalalka Guinea Conakry iyo Itoobiya. Wuxuu ku eedeeyay Cirro inuu si khaldan u fasiray hadalladiisii hore, isaga oo caddeeyay in mowqifkiisu mar walba ahaa in Somaliland ay u baahan tahay aqoonsi caalami ah.
Biixi ayaa sheegay in tallaabo kasta oo la xiriirta raadinta aqoonsiga Somaliland ay u baahan tahay in si qoto dheer looga fiirsado, maadaama ay tahay arrin masiiri ah oo saameyn ku leh mustaqbalka Somaliland iyo xiriirkeeda caalamiga ah.
Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale dib u xusay hadalkii uu jeediyay markii Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, isaga oo sheegay inuu soo dhaweeyay tallaabadaas, balse uu xilligaas ku baaqay in si taxaddar leh loo qiimeeyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ka dhalan kara.
Faahfaahinta
Dhanka kale, Biixi ayaa dhaliil u jeediyay qaabka Madaxweyne Cirro u maareeyay safarradiisii dibadda. Wuxuu sheegay in Cirro uu qirtay inuu hore si qarsoodi ah u booqday Israa’iil, isaga oo isweydiiyay sababta safarkaas looga qariyay shacabka iyo warbaahinta.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in wafdigii Madaxweynaha iyo wasiirradiisu ay kala joogeen dalal kala duwan intii lagu jiray safarkii ugu dambeeyay ee dibadda, isaga oo su’aal ka keenay sababta qarsoodiga iyo kala qeybsanaanta howlaha wafdiga.
Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya iyadoo dood xooggan ay weli ka taagan tahay gudaha Somaliland, kadib aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland iyo furitaanka safaarad uu hoggaanka maamulku sheegay inuu ka furay Qudus.
Saamaynta
Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynihii hore:
Madaxweyne Cirro ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa weedho iiga soo gubiyay, bal aan in yar ka idhaahdo.
Wuxu madashaa ka sheegay in aan sheegay in laba jeer aan ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

