Musharrax Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda weyn ee 1-da Luulyo oo ku beegan maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.
Wararka Soomaaliya
Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin qiimo weyn ugu fadhisa shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana lagu xusuusto halgankii dheeraa, geesinimadii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee horseeday xorriyadda dalka iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed.
“1-da Luulyo waa maalin qiimo gooni ah noogu fadhisa oo aan ku xusuusanno halgankii dheeraa, geesinimadii iyo naf-hurnimadii halyeeyadii Soomaaliyeed ee horseeday xorriyadda iyo midnimada aan maanta ku naaloonayno,” ayuu yiri Musharrax Liibaan Axmed Xasan.
Sidoo kale, Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo is-ixtiraamka, si looga wada shaqeeyo dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo ay si siman uga wada faa’iideystaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Faahfaahinta
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo is-ixtiraamka, kana wada shaqeeyaan dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo ay u siman yihiin dhammaan muwaadiniinteedu,” ayuu hadalkiisa ku daray Liibaan Axmed Xasan.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

