25.7 C
New York

Wararka: Maxkamadda Sare oo diiday qorshihii Trump uu dhalashada ug…

Published:

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday isku day uu madaxweyne Donald Trump ku doonayay in lagu xaddido dhalashada ay si toos ah u helaan carruurta ku dhasha dalkaas, xitaa haddii waalidiintood aysan sharci ku joogin Mareykanka ama ay si ku-meel-gaar ah u joogaan.

Wararka Soomaaliya

Go’aanka maxkamadda ayaa dhabar-jab weyn ku ah siyaasadda socdaalka ee Trump, waxaana uu mar kale adkeeyay mabda’a muddo dheer saldhig u ahaa dastuurka Mareykanka: in qof kasta oo ku dhasha dhulka Mareykanka uu muwaadin yahay, marka laga reebo xaalado aad u kooban.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare John Roberts, oo qoray aragtida aqlabiyadda, ayaa sheegay in dhalashada Mareykanka aysan ku xirneyn xaaladda sharci ee waalidka, balse ay ku saleysan tahay meesha uu ilmuhu ku dhashay iyo in uu hoos yimaado sharciga Mareykanka.

“Muwaadinnimadu, xilligaas iyo maanta, waxay ahayd xuquuqda lagu helo xuquuqaha kale — in si xor ah looga qeyb qaato bulshada siyaasadeed,” ayuu qoray Roberts.

Faahfaahinta

Amarkii Trump iyo Qodobka 14-aad

Trump ayaa amarkan saxiixay maalintii ugu horreysay ee uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Janaayo 20, 2025, isaga oo sheegay in carruurta ay dhalaan haweenka aan sharciga ku joogin Mareykanka, ama kuwa ku jooga fiisooyin ku-meel-gaar ah, aysan si toos ah u noqon doonin muwaadiniin Mareykan ah haddii aabbahood uusan ahayn muwaadin ama qof haysta deggenaansho rasmi ah.

Amarkaas ayaa durba la kulmay dacwado ay gudbiyeen waalidiin iyo kooxo xuquuqda madaniga ah u dooda, waxaana maxkamado hoose ay hakiyeen ka hor inta uusan meelna ka dhaqan gelin.

Saamaynta

Kiisku wuxuu noqday mid ka mid ah tijaabooyinkii ugu waaweynaa ee lagu eegayay awoodda madaxweynaha ee uu ku beddeli karo arrin muddo dheer loo arkayay mid dastuurku si cad u qeexay.

Go’aanka maxkamadda ayaa si weyn ugu tiirsanaa Qodobka 14-aad ee dastuurka Mareykanka, oo la ansixiyay kaddib Dagaalkii Sokeeye si loo xaqiijiyo xuquuqda dadka madow ee addoonsiga laga xoreeyay.

Qodobkaas ayaa dhigaya in “dhammaan dadka ku dhasha ama lagu jinsiyadeeyo Mareykanka, kana hoos jira awooddiisa sharci, ay yihiin muwaadiniinta Mareykanka.”

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img