Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa ka hortimid qorshihii Trump ee uu doonayo in lagu joojiyo bixinta sharciga dhalashada ee la siiyo caruurta ku dhasha dalkaasi ee walaadiintoodu ajaanibta yihiin.
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar fulineed oo wax ka beddeli lahaa dammaanadaha dastuuriga ah ee ah in dadka ku dhashay dhulka Mareykanka ay yihiin muwaadiniin.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadii go’aamisay in amarka fulinta ee Madaxweyne Donald Trump ee xaddidaya sharciga dhalashada uu yahay mid sharci darro ah.
Mid ka mid ah go’aannadii ugu muhiimsanaa ee maxkamadda sare, garsoorayaashu waxay u kala codeeyeen 6-3 oo ay inta badan taageereen in la ilaaliyo xuquuqda muwaadinimada Mareykanka qof kasta oo ku dhashay dhulka Mareykanka.
Faahfaahinta
Amarka Trump ayaau jebinayay Qodobka 14aad ee Wax-ka-beddelka Dastuurka, kaas oo loo arko inuu siinayo muwaadinimo toos ah kuwa ku dhashay dhulka Mareykanka.
Trump wuxuu amarkan soo saaray maalintii ugu horreysay ee muddo xileedkiisii labaad sannadkii hore taasoo qayb ka ah siyaasado kala duwan oo loogu talagalay in lagu xakameeyo xaquuqda dadka muhaajiriinta ah, kuwa sharciga heysta iyo kuwa sharci la’aanta ah labadaba.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

