25.7 C
New York

Wararka: Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo Xabsi Daa’in ku Ridday hog…

Published:

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo saartay go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan dacwaddii loo haystay Idiris Maxamed Sheekh Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaan Cabaas ama Abuu Maxamed, iyadoo ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii ay dib u eegtay racfaankii laga qaatay xukun hore.

Wararka Soomaaliya

Sida ay sheegeen hay’adaha garsoorka ciidamadu, Idiris waxaa lagu helay inuu muddo dheer ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, isla markaana uu soo qabtay xilal hoggaamineed oo ay ka mid yihiin degmooyinka Diinsoor, Berdaale, Baydhabo iyo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxa kale oo la sheegay inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada ee ururka, ayadoo

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ay sheegeen in Idiris la qabtay 28-kii July 2024, xilli uu isku dayayay inuu isaga kala gudbo gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka.

Faahfaahinta

Waxaa lagu soo qabtay deegaanka Mareer-guur oo hoos taga degmada Dhuusamareeb, waxaana baaritaanno ay sameeyeen hay’adaha amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ka dib dacwaddiisa loo gudbiyay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada, taas oo 4-tii December 2025 ku xukuntay 15 sano oo xarig ah, iyadoo ku heshay dambiyada loo haystay.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas, waxaana kiiska dib u dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay fursad siman siisay dhinacyada dacwadda si ay u soo bandhigaan doodahooda, ka hor inta aysan soo saarin go’aanka ugu dambeeya. Ugu dambeyn, waxay beddeshay xukunkii hore, iyadoo Idiris Maxamed Sheekh Maxamed ku ridday xabsi daa’in, oo ah xukunka ugu dambeeya ee kiiskan.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img