Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Dimishiq, halkaas oo uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa, booqashadan ayaana noqotay tii ugu horreysay ee hoggaamiye ka socda Galbeedka Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad sannadkii 2024.
Wararka Soomaaliya
Macron waxaa garoonka diyaaradaha ee Dimishiq ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibani, ayadoo Labada dhinac la filayo inay ka wada-hadlaan xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo fursadaha maalgashi ee dib u dhiska Suuriya.
Booqashadan ayaa ka horreysa shir-madaxeedka NATO ee ka dhacaya Ankara, Turkiga, halkaas oo Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa la filayo inuu kulan muhiim ah la yeesho Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Macron ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in ujeeddada safarkiisu tahay muujinta taageerada Faransiiska ee shacabka Suuriya, isagoo sheegay inuu doonayo “Suuriya madax-bannaan, mideysan, isla markaana nabad kula nool deriskeeda.”
Faahfaahinta
Wakaaladda wararka dowladda Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in Macron uu la socdo wafdi ganacsato ah, kuwaas oo sahminaya fursadaha maalgashi iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.
Faransiiska ayaa kamid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee taageera hoggaanka cusub ee Suuriya, waxaana Madaxweyne Macron uu bishii May 2025 magaalada Paris ku qaabilay Axmed Al-Sharaa, isagoo markaas ku baaqay in la qaado cunaqabateyntii muddada dheer saarneyd Suuriya, taasoo inta badan markii dambe la fududeeyay.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

