23.1 C
New York

Wararka: Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’…

Published:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.

Wararka Soomaaliya

Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img