Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa mar kale ka bilowday wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka.
Wararka Soomaaliya
Wada-hadallada oo shalay si gaar gaar ah ku bilowday ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii xal waara looga gaari lahaa muranka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.
Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa doorashooyin qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay iyana soo bandhigeen nooc doorasho oo cusub oo ay sheegeen inay ku faah-faahin doonan wada-hadallada hadda bilowday, si looga heshiiyo.
Haddaba maxaa laga filan karaa wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka?
Faahfaahinta
Mukhtaar Maxamed Cali oo ah falanqeeye arrimo siyaasadeed ayaa sheegay in laba mid ay noqon doonto in wada-hadalku guuleysto ama in lagu kala kaco oo ay iska tegto Beesha Caalamka oo hadda qaadaneysa door dhex-dhexaadnimo ah.
“Laba arrin ayaan is leeyahay waa kasoo bixi karaan in la’is afgarto oo wax la’isku raaco waa kasoo bixi kartaa iyo in lagu kala kaco oo Beesha Caalamkana iska tegto, Soomaalidana la yiraahdo waa isku madax banaan tihiin,” ayuu yiri Mukhaar oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu farriin u diray labada dhinac oo uu ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan, ayna isugu yimaadaan meel dhexe, maadaama uu dalka ku jiro marxalad xasaasi ah.
Saamaynta
“Waxaan filayaa in la heshiiyo oo meel dhexe la’isugu yimaado tartiib loo wada fariisto, haddii taasi dhici waysana waxaan leeyahay Ummadda Soomaaliyeed buur Allaha u bixiyo,” ayuu mar kale yiri Mukhtaar Maxamed Cali.
Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxday wada-hadallada socda ee ay hormuudka u tahay Beesha Caalamka.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xilli xasaasi ah oo kala guur ah, waxaana sidoo kale taagan xaalado bani’aadanimo oo uu abaahan in si deg-deg ah looga jawaabo.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

