25.9 C
New York

Wararka: Maraykanka iyo Iran oo heshiiska nabadda Bariga Dhexe saxi…

Published:

Warbaahinta caalamka iyo qaar kamid ah dalalka ku hawlan dedaalada nabadda Bariga dhexe ayaa si rasmi…

Wararka Soomaaliya

Warbaahinta caalamka iyo qaar kamid ah dalalka ku hawlan dedaalada nabadda Bariga dhexe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in heshiis ballaaran oo xabbad-joojin iyo is-afgarad siyaasadeed laga gaaray xiisadaha ka aloosan mandaqadda Bariga Dhexe, kaddib wada-hadallo la sheegay inay dhexmareen Mareykanka iyo Iiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa si cad u xaqiijiyey jiritaanka heshiiskaasi, isla markaana inta dhimman maalinimada Jimcada ah lagu dhammaystirayo dalka Zwitzerland ayna ku rajo weynyihiin dhaqan gelintiisa.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay iin la dhammaystiray is-afgarad lagu soo afjarayo colaadaha gobolka, isla markaana dib loo furayo marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, isagoo Maraakiibta caalamka ugu yeeray inay matooradooda dib u shitaan.

Faahfaahinta

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay qodobo ahmiyad weyn siin doona danaha Iran iyo guud ahaan awooddeeda mandaqadda Bariga Dhexe.

– Joojinta xiisadaha militari ee gobolka oo ay ku jirto Lubnaan,

– Qaadista xayiraadaha dhaqaale iyo kuwa badeed ee saaran Iiraan,

Saamaynta

– Furitaanka marinka Hormuz,

– dib u eegista joogitaanka ciidamada Mareykanka ee meelaha u dhow Iiraan,

– In la sii daayo hanti lagu qiyaasay $24 bilyan oo Iiraan laga xayiray.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img