Koox fallaago ah oo ka tirsan Tuareg ayaa Sabtidii sheegtay inay weerartay magaalo ku taal waqooyiga Mali halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo ciidamada milatariga Ruushka.
Wararka Soomaaliya
Dadka deggan laba deegaan oo kale oo ku yaal waqooyiga iyo bartamaha Mali ayaa soo sheegay inay maqleen rasaas iyo qaraxyo.
Weerarkan ayaa ahaa duulaankii ugu dambeeyay ee soo food saaray dowladda militariga halkaas oo fallaagadu ay weerarro heer sare ah ka geysteen bishii Abriil, iyagoo weeraray garoonka diyaaradaha ee caasimadda Bamako, weerar ku dilay wasiirkii difaaca, isla markaana qabsaday saldhigyo ciidan oo ku yaal waqooyiga.
Mohamed Elmaouloud Ramadane, afhayeenka Jabhadda Xoreynta Azawad (FLA), ayaa u sheegay Reuters in dagaalyahanno ka tirsan kooxda ay weerareen magaalada Anefis ee waqooyi-bari gobolka Kidal subaxnimadii Sabtida.
Faahfaahinta
Ciidamada dowladda iyo kuwa Ruushka ayaa la geeyay Anefis ka dib weerarradii bishii Abriil ee ay FLA iyo kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee gobolka ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kidal.
Magaalada Gao ee bartamaha, sarkaal maxalli ah ayaa sheegay in rasaas iyo gantaallo lagu riday xero milatari tan iyo waaberigii Sabtida. Lama oga dagaalyahannada weerarkaas ka danbeeyey.
Dowlada ayaan weli ka hadlin weeraradii ugu danbeeyey ee ka dhacay waqooyiga iyo bartamaha dalkaasi.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

